23-jirka haatan ku jiro xiligiisii ugu wanaagsanaa David de Gea ayaa la hadal hayaa inuu dhamaadka xili cayaareedkan dib ugu laaban dooo caasimada Spain madaama Real Madrid dalab aad u sareeyo usoo dirtay.
Goolhayahan tayada wanaagsan waxaa lagu wadaa inuu kooxdiisa Man United heshiis cusub u saxiixo balse midaas ma dhicin sida darteed wargeska Metro ayaa sheegay in Madrid ay qiimo jaban ku qaadan doonto xagaaga dambe.
De Gae heshiiska uu haatan Man United kula joogo wuxuu ku egyahay xagaaga 2016 waxaana la aaminsan yahay in Real Madrid ay ku qaadan doonto £18m waana isla qiimahii Man United xidigan kaga soo iibsatay naadiga Atletico Madrid 3-sano ka hor.
Marka la fiiriyo heerka uu maanta De Gae taagan yahay iyo kartida uu u leeyahay inuu ka mid noqdo goolhayeyaasha aduunka ugu wanaagsan wuxuu wargeska The Metro sheegay in Real Madrid ay qiimo jaban ku qaadan rabto xidigan oo si wanaagsan u buuxin karo booska Iker Casillas marka uu xili cayaareedkan dhamaado.