Ugu dambeyntii maamulka kooxda Man City ayaa si rasmi ah kaga hadleyn hadal heynta ku aadan in xagaaga dambe uu hogaanka garoonka Etihad la wareegi doono macalin Diego Simeone.
City maamulkeeda ayaa shaaca ka qaadeen inaysan la xariirin macalin reer Argentina sidoo kalena aysan qorshaha ugu jirin inay xiligan ka hadlaan arimo la xariiro shaqsiga hogaamin doono Man City madaama macalin Maneul Pelligrini ay ku kalsoon yihiin.
Hadalka Man City kasoo yeeray ayaa kusoo beegmay xili macali Diego Simeone uu heshiis cusub u saxiixay asigoo ogolaaday inuu Atletico Madrid lasii shaqeeyo ilaa sanada 2020.
Sidaa darteed maamulka Man City waxay hadleyn kadib markii Atletico ay ku guuleesatay macalinkood 44-jirka ah heshiis cusub ka saxiixaan sidoo kalena ay ku qanciyeen inuu garoonka Vicente Calderan sanado badan sii joogo.
Sky Sports ayaa sheegay in Man City ay haatan macalimiin kale qaarada Yurub kaa baadi goobi doonto sidoo kalena aysan macquul hayn in Pelligrini uu shaqadiisa sii wato marka uu xili cayaareedkan dhamaado.