Gudoomiyaha kooxda PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa si rasmi ah u sheegay in xagaagan aysan kooxdiisa xidigo muhiim ah iska iibin doonin.
Kooxda reer France ayaa ku caan baxday inay xidigo soo iibsato sidoo kalena kuwo muhiim ah ay qiimo jaban ku fasaxd.
Balse Nasser Al-Khelaifi ayaa meesha ka saaray inay xagaagan fasixi doonaan sedexda laacib ee kala ah Zlatan Ibrahimovic, Edinson Cavani, Javier Pastore iyo macalinka kooxdan Laurent Blanc.
Nasser Al-Khelaifi oo marka hore ka hadlaayay xaalada Zlatan wuxuu yiri “waa hubaal in Zlatan uu nala sii joogi doono xagaagan madaama aan aad ugu baahanahay”
“Sidoo kalena Cavani iyo Pastore aniga ayaa shaqsi ahaan u sheegay inay Paris sii joogi doonaan mana jirto sabab aan isaga fasaxno”
Ugu dambeyntii masuulkan macalin Blanc ayuu kalsooni buuxdo siiyay wuxuuna yiri “Ma ahan cadaalad in macalin Blanc saxaafada France iska dhaliilto shaqo wacan ayuu kooxda ka hayaa sidoo kalena xili cayaareedka dambe wuu nala sii joogi doonaa”