Home » Horyaalada » italian Serie A » Macalin Allegri Oo Xaqiijiyay Juve Xiisaha Ay U Qabto Saxiixyada Oscar Iyo Isco

Macalin Allegri Oo Xaqiijiyay Juve Xiisaha Ay U Qabto Saxiixyada Oscar Iyo Isco


Aleegri

Macalinka naadiga Juventus Massimiliano Allegri h ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in kooxdiisa ay suuqa Yurub ku mashquulsan tahay sidoo kalena baadi goob ugu jirto kubad sameeye tayo wanaagsan.

Sidaa darteed macalin Allegri ayaa ka dhawaajiyay in kooxdisia ay dabagal xoogan ku heyso labada xidig ee aad ka ugu wanaagsan kubad sameynta Oscar iyo Isco.

“Waxaan doonayaa inaan Juve ka hirgaliyo kubad qurxoon oo ku dheehan karti madaama aan doonayo inaan xili cayaareedka dambe koobab dheeri ah ku guuleesano”

“Sidaa darteed xiiso gaar ah ayaan u qabnaa soo xero galinta Isco iyo Oscar waayo Juve waa muhiim inay hesho lambar 10-aad kubada qaabeyn karo”

“Juve waxay ku qasban tahay inay nidaamka ay u cayaarto badasho waayo xili cayaareedka dambe Carlos Tevez iyo Andrea Pirlo la’aantooda ayaan hawl gali doonaa”

Isco xagaagan waxaa la hadal hayaa inuu Real Madrid isaga tago madaama labada sano ee uu kooxdan ka tirsan u suura galin inuu boos joogto ah ka helo.

Oscar oo xili cayaareedkii dhawaa Chelsea u saftay 41-kulan isagana cago badan kuma taagno madaama uu macalin Mourinho suuqa ka baadi goobayo xidigo ku boos ah.

Sidaa darteed Juve xagaagan labadan kubad sameeye mid ka mid ah ayay gacanta kusoo dhigi karaa hadii aysan labaduba lasoo saxiixanin.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>