Wararka laga helaayo dalka France ayaa sheegayo in macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger uu si toos ah ula xariiray kubad sameeyaha PSG Yohan Cabaye.
Yohan Cabaye haatan kama mid ahan xidigaha joogtada ugu cayaaraan naadiga Paris wuxuuna diyaar u yahay inuu dalabka Wenger aqbalo madaama uu Arsenal boos joogto ah ka heli karo.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Wenger uu Paris u diray dalab £10 million waxaana la filaa inay qiimahan aqbasho kooxda reer France madaama Cabaye uusan muhiim u ahayn kooxdan.
Cabaye kaliya 19-kulan ayuu Ligue 1 Paris u cayaaray weliba 9-ka mid ah kulamadaas badal ayuu kusoo galay sidaa darteed xidigan joogis uma taalo caasimada dalka France.
Macalin Arsene Wenger ayaa diyaar u ah inuu xagaagan albaabka ka diro xidigaha kala ah Mathieu Flamini, Abou Diaby iyo Mikel Arteta madaama uu doonayo inu Arsenal khadka dhexe ka dhiso.
Sidaa darteed Cabaye fursad weyn ayay u noqon doontaa inuu Emirates usoo dhaqaaqo madaama xidigaha booska ku cariiran karaan inta badan la fasixi doono.
Waxaa nag xasuusin ah in Cabaye uu 18-bilood naadiga New Caste isaga tagay waxaana markaas £19 million ku iibsatay naadig Paris balse xagaagan ayuu dib ugu soo laaban doonaa EPL.