Home » Horyaalada » La Liga Spain » Macalin Benitez “Kama Xumi Hadii Cristiano Ronaldo Uu Careesan Yahay!”

Macalin Benitez “Kama Xumi Hadii Cristiano Ronaldo Uu Careesan Yahay!”


rafa benitez

Macalinka reer Spain Rafa Benitez ayaa ku kaftamay inuusan ka xumeyn xanaaqa ka muuqdo Cristiano Ronaldo marka uu tababarka xidigaha Real Madrid la qadaanayaao.

Macalin Benitez ayaa horey u sheegay in isaga iyo Ronaldo uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo sidoo kalena uu siweyn ugu hanqal taagayo inuu xili cayaareedkan cusub la shaqeeyo.

Wuxuuna Benitez yiri “Ronaldo waa xidiga ugu muhiimsan Real Madrid sidoo kalena wada shaqeyn wacan ayaa naga dhaxeyso”

“Balse kama xumi hadii uu careesan yahay waayo waa mid u gaar ah mana arkin asigoo careesan oo tababar sameenayo”

“Qofka xanaaqiisa muhiim ma ahan balse waxaa muhiim ah inuu shaqadiisa qabsanaayo waxaana ku tilmaami karaa Ronaldo xirfadle dhan walbo ka dhameestiran”

Dhinaca kale Macalin Benitez ayaa sheegay inuu ka wareeri doono shaxda Real Madrid hadii James Rodriguez iyo Isco ay caafimaad qabaan.

Wuxuuna yiri “Macalin ahaan waxaa ii muhiim inaan heesto xidigo tayo wanaagsan heesto balse waa arin igu dhib ah inaan kala doorto xidigaha aan garoonka galinaayo”

“Gaar ahaan James Rodriguez iyo Isco oo caafimaad qabaan midna ma galin karo kursiga keydka sidaa darteed xidigii dadaal wacan sameeyo ayaan cayaarsiin doonaa”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>