Home » Horyaalada » La Liga Spain » Macalin Carlo Ancelotti Muxuu Ka Yiri Xasuuqa Ay Real Madrid U Geesatay Naadiga Granada

Macalin Carlo Ancelotti Muxuu Ka Yiri Xasuuqa Ay Real Madrid U Geesatay Naadiga Granada


ancelotti-pointing490epa_0

Real Madrid wax naxariis ah uma sameynin naadiga Granada kadib markii ay ku xasuuqday 9-1 kulan ka tirsanaa La Ligaha Spain waxaana guushan taariikhiga ah ka hadlay macalin Carlo Ancelotti.

Tababaraha reer Talyaani isaga niyada kuma uusan heynin in xasuuqan uu dhici doono balse kaliya wuxuu ku qanacsanaa in kooxdiisa ay hesho 3-dhibcood oo ay u baahneed.

“Dabcan hadii aan 1-0 ku guuleesan laheyn xitaa waan ku qanci lahaa waayo sedexda dhibcood ayaa inoo muhiim ahayd”

“Balse kooxdeyda maanta waxay muujisay tayada u qarsooneyd waxaana ku faraxsanahay in xidig walbo uu si gaar ah isku xil qaamay”

“Waxaa muhiim ah in kulanka xiga ee aan arbacada cayaari doono inaan isla bandhigan oo kale sameyno hadii kale guushan weyn wax micno ah ma sameyn doonto”

Dhanka kale tababare Carlo Ancelotti ayaa amaan gaar ah usoo jeediyay James Rodriquez oo bandhig wanaagsan sameeyay.

“James si wacan ayuu u cayaaray mana ahan wax sahlan cayaaryaha mudo labo bilood garoomada ka maqnaa inuu bandhigan oo kale sameeyo”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>