Home » Horyaalada » La Liga Spain » Macalin Diego Simeone “Wax Badan Ayaan Ka Rabaa Torres Inuu Kooxdeyda U Qabto!”

Macalin Diego Simeone “Wax Badan Ayaan Ka Rabaa Torres Inuu Kooxdeyda U Qabto!”


sIMEONE

30-jirka reer Spain Fernando Torres waxaa u suura gashay kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Atletico Madrid 2-0 ku suul daartay naadiga Getafe inuu goolkiisii ugu horeeyay La Ligaha ka dhaliyo tan iyo markii uu bilwgii sanadkan dib ugu soo laabtay dalkiisa hooyo.

Hadaba macalinkiisa Diego Simeone ayaa u sheegay xidigan inuu shaqo badan ka rabo sidoo kalena ka rajeynaayo Torres inuu goolal badan la imaado inta ka harsan xili cayaareedkan.

“Torres haatan kooxda si fiican ayuu ula qabsaday sidoo kalena todobaad walbo dadaal fiican ayuu sameeyaa”

“Balse dhab ahaantii shaqo badan ayaan ka raba inuu kooxdeyda u qabto madaama uu yahay laacib waaya araga ah sidoo kalena waxqabadkiisa wanaagsan yahay”

“Waxay u ahayd muhiim inuu todobaadkan gool dhaliyo balse aniga waxaa ii muhiim ah inuu dhalintiisa joogteeyo si uu nooga caawiyo hadafka aan leenahay inta ka harsan xili cayaareedkan”

Torres ayaa si fiican ula qabsaday kooxdiisa Atletico Madrid tan iyo bilawgii sanadkan markii uu naadiga AC Milan isaga soo tagay.

Balse xidigan si joogto ah marwalbo ugama cayaaro Atletico waxaana booska weerarka inta badan kooxdan uga cayaaro Mario Mandzukic halka Torres uu badal kusoo galo kulamada badankooda.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>