Home » Maxaa Cusub » Macalin Dunga: “Maalmihii Madoobaa Ee Xulka Brazil Wey Dhamaadeen”

Macalin Dunga: “Maalmihii Madoobaa Ee Xulka Brazil Wey Dhamaadeen”


Dunga'Kadib Shan kulan oo guulo xiriir ah ay gaarayeen xulka Brazil, macalin Carlos Dunga ayaa aaminsan inuu soo idleeyay maalmihii madoobaa ee xulka jaalayaasha isla markaana ay dib ugu soo noqdeen wadadii hore.

Brazil ayaa ku fadeexowday koobkii Aduunka oo ay marti galineysay kadib markii Semi Finalka koobka Aduunka ay qasaaro xoog leh kala kulmeen Jarmalka oo ahaa xulkii ku guuleystay ugu dambeyn, waxaana Brazil oo ku hor ciyaaraya malaayiin taageeryaal ah hortooda lagu garaacay 7-1.

Iyadoo madax xanuunkaas uu jiro hadana Holland oo uu hogaaminayo Louis Van Gaal ayaa si qurux badan guul uga gaaray markii ay isku arkeen kaalinta sadexaad ee tartanka 3-0 ayaana lagu qaarijiyay.

Si Kastaba tababarahii xiligaas hayay Luis Felipe Scolari ayaa xilka laga qaaday waxaana farta laga saaray xidigii hore xulka Brazil Carlos Dunga kaas oo isku shaandheyn xoog leh ku sameeyay xulkiisa wuxuuna haatan u hogaamiyay iney gaaraan shan guul oo xiriir ah oo ay ugu dambeysay guushii ay xalay ka gaareen Turkiga.

“Waan ku faraxsanahay inaan mar kale isku hagaajinay koox fiican” Ayuu Dunga u sheegay warbaahinta kadib kulankii xalay.

“Maalmihii xumaa wey horeeyeen, haatana waxaa soo laabatay ruuxdeenii” Ayuu mar kale yiri Dunga.

Dhanka kale Brazil ayaa haatan talaadada la balansan xulka Austria kulan saaxiibtinimo oo dhici doona Talaadada soo aadan markaas oo taariikhdu ku beegan tahay 18-ka November.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>