Harry Redknapp oo ah macalinkii Grathe Bale soo bar baariyay kana dhigay xidiga ugu wanaagsan Premiership-ka England dhowr sano ka hor ayaa ka hadlay xaalada adag ee uu haatan Bale ku sugan yahay.
Tababare Harry Redknapp ayaa aaminsan in Bale uu weli ka mid yahay xidigaha aduunka ugu wanaagsan tayo ahaan balse loo baahan yahay inuu xal u helo dhibaatada xili cayaareedkan isaga kaligiis gaar u noqotay.
Macalin Redknapp oo xaalada Bale ka hadlaayo wuxuu yiri “Aniga waxay iila mid tahay in Bale uu la mid yahay Ronaldo sidoo kalena mudan yahay in kubada loo baaso marka uu garoonka ku jiro sida Ronaldo loogu baaso oo kale”
“Waa muhiim inuu xal u helo dhibaatada ku raagtay mana ahan mid uu kaligiis ka bixi karo waa inuu wada shaqeyn ka helo xidigaha ay isku koox yihiin”
“Aniga hadii aan macalin u ahaan lahaa Bale xuriyad dheeraad ah ayan siin lahaa markaasna faa’iidadiisa ayaa la arki lahaa”
68-jirkan ayaa sheegay inuu walaacan waligiis qabay markii Bale go’aansaday inuu Real Madrid ku biiro labo sano ka hor.
Wuxuuna yiri “Markii uu Spurs isaga tagay kuna biiray Madrid waxaan qabay walaac ah in Bale uu ka qarin hooska Ronaldo haatana waa mida dhacday waayo hooska Ronaldo ayuu siweyn xidigan u qariyay!”