Iyadoo Maalmihii Ugu Dambeeyey uu Cadaadis weyn saarnaa Macalinka Kooxda Ac Milan Filippo Inzaghi ayaa goal.com wuxuu qoray in Macalinkaan uu xilkiisa weyn doono Haddii uusan guul ka keenin kulanka San Siro ay kooxdiisa Maalinta Sabtida Ah kula yeelan Doonto Kooxda Verona .
goal.com ayaa sheegay in Maamulka Kooxda Ac Milan muran iyo dood kadib ay isku afgarteen in Macalinkaan Xilka Laga Qaado Haddii uusan Badin kulanka Verona inkastoo kooxda Ay Haddaba mashquul Ku Tahay Raadinta Macalinkii Booskiisa Buuxin Lahaa.
Kooxda Ac Milan ayaa Dhibaato ku jirtay waxayna Kala horeynta horyaalka uga jirtaa Kaalinta 10-naad iyadoo Madaxweyne Silvio Berlusconi iyo Adriano Galliani ay waqti Siiyeen Macalinkaan Inkastoo uusan Ilaa Hadda Isbadal muuqda kusoo kordhin kooxda.
Haddaba wixii warar ah ee kusoo kordha warbixintaan waad kala socon doontaa hiilkubad.com