Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho aya wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay in xidiga reer Brazil Oscar uu haatan kalsoonida kala laabtay.
Kulankii ugu dambeeyay ee Chelsea 2-1 kaga badisay naadiga Stoke City Premiership-ka England Oscar ayaa bandhig xun sameeyay waxaana lasoo badalay qaybtii hore markii ay dhaamatay ayaa gudaha lagu soo badalay.
Dabcan go’aankaa Mourinho ayaa qaatay balse wuxuu sheegay in Oscar uusan ahayn xidig haatan liito wuxuuna yiri “Aniga kubada cagta uma falanqeeyo sida xisaabta oo kale oo ah mid aan la qaldi karin”
“Cayaaryahan walbo hoos u dhac wuu sameeyaa balse Oscar waa xidig muhiim u ah kooxdeyda ilaa haatan wax weyn ayuu noo qabtay xili cayaareedkan”
“Badalkii aan todobaadkan ku sameeyay ma aysan ahayn inuu isaga xumaa balse aniga ayaa rabay inaay shaxda kooxdeyda wax ka badalo”
“Waxaa muhiim ah in kooxeyda ay xasilooni hesho waxaana sameyn doona arin walbo oo kooxdeyda ay ku noqon karto mid kulan walbo guuleesato madaama xili cayaareedkan uu haatan maraayo heer xasaasi ah”