Xidiga reer France ee khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Juventus Paul Pogba ayaa kusoo baxay xili cayaareedkan laacibka loogu doonista badan yahay qaarada Yurub.
Qaar ka mid ah wargeyada Talyaaniga iyo kuwa Ingiriiska ayaa qoreen in haatan ay kooxa Chelsea la xariirtay dhigeeda Juventus sidoo kalena ay kala hadashay qaabkii Pogba looga iibin lahaa.
Blase macalin Jose Mourinho ayaa arinkan ka hadlay wuxuuna ka yiri “Haatan kama fikiraayo Pogba iyo cayaartooy kaleba kaliya waxaan ku mashquulsanahay sidii aan kooxdeyda horyaalka ugu qaadi lahaa”
“Kaliya waxaan idiin sheegi karaa inaan heesto cayaartooy ku wanaagsan khadka dhexe sida Cesc Fabregas, Nemanja Matic, Ramires, Ruben iyo John Obi Mikel”
“Waana xidigo si wadajir ah u wada shaqeeyaan marka haatan baahi gaar ah uma qabo saxiixa Pogba sidoo kalena lama joogo xili laga hadlo cayaartooy imaaneyso iyo kuwa kooxda ka tagi doonaan”
Inkastoo Mourinho beeniyay in Pogba uu galbeedka London kusoo jeedo hadana waxaa jirto hadal heyn xoogan oo ku aadan in Chelsea ay xagaagan qasnadeeda lacageed u furi doonto saxiixa Pogba madaama ay xidigan ku raad joogaan kooxaha qaarad Yurub ugu caansan.