Macalinka naadiga Chelsea ayaa si rasmi ah u sheegay in kooxdiisa ay ku guul dareesatay soo xero galinta laacibka qaarada Yurub loogu doonista badan yahay Paul Pogba.
Mourinho oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Waxaan u maleynaa in haatan koox walbo ay Pogba xiiseyneyso balse waxaa jiraan arimo la sameyn karo iyo kuwo aan la sameyn karin”
“Waan jeclahay taalada Paris inaan heesto balse kuma heesan karo darjiinkeyga sidaa darteed Pogba waan jeclahay balse suura gal iima ahan inaan lasoo saxiixdo”
“Waxaan ku qasbanahay xidigaha aan heesano inaan boosas kala duwan ka cayaarsiiyo kana faa’iideesto xeelada ay leeyihiin”
Dhinaca kale macalin Mourinho ayaa xusay in kooxdiisa dalabkii ugu dambeeyay ee naadiga Everton u gudbin doonaan si ay kaga helaan daafaca dhalinta yar John Stones.
“John Stones wuxuu ka mid yahay xidigaha aan saxiixooda ku raad joogno waxaana rajeynaa in Everton ay naga aqbali doonto dalabka aan dhawaan u gudbin doono”