Kadib 7-sano ee uu naadiga Dortmund hormuud ka ahaa tababare Jurgen Klopp ayaa si rasmi ah u sheegay marka uu xili cayaareedkan dhamaado inuu kooxdiisa isaga tagi doono.
Waxaa la sheegay in macalinkan ay isku dhaceen qaar ka mid ah cayaartooyda Dortmund ee uu ugu horeeyo Sebastain Kehl oo ay bilawgii todobaadkan wada murmeen.
Balse Klopp ayaa hadalkaas beeniyay wuxuuna yiri “Wax dhibaato ah nama dhex taalo aniga iyo cayaartooydeyda sidoo kalena xiriir wanaagsan ayaa naga dhaxeeyo bals go’aankan aniga ayaa horey u qaatay”
“Waxaan doonayaa inaan Dortmund si sharaf ku dheehan uga tago waana uga tagi doonaa xagaagan sidoo kalena hadafkeyga wuxuu yahay inaan guulo gaarsiiyo kooxdeyda”
Macalin Jurgen Klopp ayaa sheegay inuusan nasan doonin sidoo kalena uu xagaagan shaqo gali doono hadii uu dalab wanaagsan helo.
Waxaana tababarahan lala xariirinaa kooxaha Man City, Barcelona, Liverpool, Real Madrid, Arsenal iyo kuwo kale.