Home » Maxaa Cusub » Macalin Klopp Oo Magaciisa Suuqa Yurub Ka Saaray Madaama Uu Sheegay Inuu Nasiino Dheer Gali Doono

Macalin Klopp Oo Magaciisa Suuqa Yurub Ka Saaray Madaama Uu Sheegay Inuu Nasiino Dheer Gali Doono


Klopp

Macalinka naadiga Dortmynd macsalaameeyay Jurgen Klopp sidoo kalena lala xariirinaayay inuu la wareegi doono hogaanka qaar ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan ayaa sheegay inuu nasiino qaadan doono.

47-jirkan sida gaarka ah jagada kooxda Liverpool loola xariirinaayay ayaa magaciisa ka saaray suuqa Yurub madama uu sheegay inuu daalan yahay.

Wuxuuna Klopp yiri “Kadib markii 7-sano oo dhib badan sidoo kalena shaqo adag aan qabtay dareen badan ayaan bixiyay waxaan u baahanahay nasiino igu filan”

“Halgan cusub ma galo karo waayo tamarta ayaa iga dhamaatay waa inaa nasiino qaataa si aan kubada ugu soo laabto anigoo fir fircoon sidoo kalena xiiso u qabo”

“Sidaa darteed nasiino dheer ayaan gali doonaa xiliga aan soo laabanaayo sidaan oo kale ayaan shaaca uga qaadi doonaa”

Klopp kulankiisii ugu dambeeyay ee uu todobaadkan kooxda Dortmund hogaamiyay waxaa tartanka DFB Pokal ka qaaday naadiga Wolsburg oo 3-1 kaga badisay.

Sidaa darteed macalinkan kooxdiisa Dortmund todobaadkan ayuu macsalaameeyay lamana sheegi karo naadiga xiga ee uu qaban doono.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>