Man United waxay horey u qaaday talaabo weyn oo ay ku xaqiin karto inay xili cayaareedkan ka mid noqon karto 4-naadi ee ugu sareeyo EPL marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.
Waayo Man United waxay iska reebtay kooxda dhawaanahan cagta cagta saareesay Liverpool kadib markii ay 2-1 guusha kaga qaateen.
Kulanankan xiisaha badan wuxuu ka dhacay garoonka Anfield balse United waxaa sedexda dhibcood ee qaaliga ah gacanta u galiyay Juan Mata oo labo gool oo qurxoon ka dhaliyay Liverpool.
Sidaa darteed macalin Louis van Gaal ayaa amaanay kubad sameeyaha reer Spain iyo wacdaraha uu ka dhigay garoonka Anfield.
“Mata waa cayaarayah aan ku faano karo waayo bandhig cajiib ah ayuu sameeyay sidoo kalena guul muhiim ah ayuu naga siiyay koox aan xifaaltano”
“Waa natiijo aan ku faani karno sidoo kalena farxad dheeri ah ayaan siinay taageerayaasheena waayo Liverpool inaan ka badino micno weyn ayay u leedahay taageerayaasha United”
“Qaybtii hore si fiican ayaan u cayaarnay balse qaybta labaad hoos u dhac ayaan muujinay waxaana ugu wacan casaanka ay Liverpool qaateen madaama ay cayaartoydeyda dareemeyn inuu culeeska ka dagay”