Macalinka kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa meesha ka saaray kulanka caawo lagu wada balansan yahay ee dhex mari doono Barcelona Vs Real Madrid natiijada kasoo baxdo aysan go’aamin doonin cida qaadi doonto La Ligaha xili cayaareedkan.
“Waa kulan nooga duwan kulamada kale madaama xifaaltan weyn nagala dhaxeeyo Real Madrid hadii aan guuleesano ma awoodi doonaan inay soo yareeyaan farqdiga noo dhaxeeyo”
“Balse uma maleynayo kulanka El Classico natiijada kasoo baxdo inay go’aamin doonto hanashada La Ligaha xili cayaareedkan”
Barcelona waxay caawo garoonka Camp Nou kusoo dhaweyn doontaa naadiga Real Madrid ayadoo Barca guuleesatay 17-ka mid ah 18-kulan ee ugu dambeesay oo ay cayaartay.
Macalin Enrique oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “10-kulan oo adag ayaa La Ligaha nooga harsan marka laga reebo El Classico sidaa darteed shaqo badan ayaa inoo taalo”
“Waan ku faraxsanahay shaqada ay kooxdeyda qabatay sanadkan 2015 sidoo kalena amaanta aan helnay waa mid aan u qalano balse midaas kama dhigno inaan Real Madrd ka fiicanahay waayo hoos u dhac oo kaliya ayaa Madrid heesto weyna ka bixi kartaa”
Ugu dambeyntii macalin Luis Enrique ayaa ka dhawaajiyay in kulanka El Classico uu labada naadi ahmiyad u leeyahay sidoo kalena ay labada dhinac kubad wanaagsan caalamka uso bandhigaan.