Macalinka kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa sheegay in Lionel Messi laga reebay safarka cayaareed oo ay Barcelona Waqooyiga Ameerika kusoo aaday.
Wuxuuna macalinkan ka dhawaajiyay in xidiga reer Argentina uu nasiino dheeraad ah u baahan yahay madaama uu 12-bilood si adag u shaqeeyay.
Cayaaryahanka lambarka 10-aad Barcelona u qaato labo xagaa oo xariir ah ah ayuu xulkiisa Argentina u hogaaamiyay labo tartan oo caalami ah sidaa darteed wax nasiino ah ma uusan helin.
Macalin Luis Enrique oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Messi USA nooma soo raacin wuxuu u baahan yahay nasiino”
“Tamartiisa waxay inoo tahay muhiim sidaa darteed waa inuu nasiino dheeraad ah helaa madaama uusan wax nasiino ah arkin 12-bilood ee ugu dambeesay”
Dhinaca kale macalin Enrique wuxuu xidigaha Barcelona ka doonayaa inay guusha halkeeda kasii wadaan sidoo kalena xili cayaareedkan ay ku guuleestaan sedex koob ee horyaaliin Supercopa, Uefa Super Cup iyo FIFA Club World Cup.
“Waxaan doonayaa sedex koob oo dheeraad ah inaan sanadkan gudahiisa ku guuleesano waana inaan iska ilaawnaa guliihii aan gaarnay xili cayaareedkii dhawaa”