Macalinka Barcelona Luis Enrique ayaa saxaafada u sheegay inuusan wax walaac ah ka qabin hoos u dhaca ku habsaday Neymar oo mudo bil ah bandhig wanaagsan sameynin.
Neymar oo 23-jir ah xili cayaareedkan 17-gool ayuu La Ligaha ka dhaliyay 20-kulan ee ugu horeesay balse xidigan 5-kulan ee ugu dambeesay wax gool ah ma uusan dhalinin horyaalka Spain.
Macalin Enrique oo difaacayo Neymar wuxuu yiri “Wax walaac ah kama qabo xaalada Neymar weli kooxdeyda muhiim ayuu u yahay todobaad walbo”
“Waan hubaa inuu dib u bilaabi doono dhalintiisa sareyso madaam uu yahay laacib aad u wanaagsan”
“Neymar hadii uusan gool dhalin shaqo kale ayuu qabtaa waayo garoonka marka uu ku jiro kooxdeyda siweyn ayuu u caawiyaa”
Dhanka kale macalin Enrique ayaa difaacay Andres Iniesta oo isagana calankiisa sii dhacaayo xili cayaareedkan.
“Aadban ugu faraxsanahay waxqabadka Andres Iniesta waana xidig kooxdeyda udub dhexaad u ah”
“Waxay tahay farxad weyn inaan daawado Iniesta sidoo kalena waxaan doonaya dhamaan cayaartooydeyda inay sare u qaadaan bandhigooda si aan xili cayaareedkan u gaarno hadafka inoo dagsan”