Home » Horyaalada » italian Serie A » Macalin Luis Van Gaal Oo Sii Huriyay Hadal Heynta Ah In Ronaldo Uu Manchester Kusoo Laaban Doono

Macalin Luis Van Gaal Oo Sii Huriyay Hadal Heynta Ah In Ronaldo Uu Manchester Kusoo Laaban Doono


Cristiano-Ronaldo1

Waxaa siweyn loo hadal hayaa in Man United ay sameyn doonto isku day geesinimo ku dheehan oo ay dib ugu soo celin doonto garoonka Old Trafford Cristiano Ronado.

Waxaa arinkan sii huriyay oo kalsooni ka muujiyay saxiixa Cristiano Ronaldo macalin Van Gaal oo xusay in xagaagan wax walbo Man United laga filan karo.

Madaama Angel Di Maria uu kusii dhawaanayo ku biiritaanka naadiga PSG waxay Man United ahmiyada kowaad siin doontaa saxiixa Ronaldo.

Macalin Van gaal oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Ronaldo oo Man United imaanayo? Kama jawabi karo su’aashan waayo jawaab uma hayo”

“Waxaan doonayaa inaan la saxiixano sidaa darteed hadal walbo ee aan hordhac ahaan u bixiyo uma wanaagsan Ronaldo sidoo kalena uma wanaagsano Man United”

“Saxaafada waxaan ka aqristaa in cayaaryahan walbo oo tayo wanaagsan ay Man United la saxiixan rabto”

“Balse arinkaas xaqiiqo ma ahan laakiin wax walbo ayaa ka dhici karaan suuqa Yurub inta uu fuuran yahay”

Ronaldo sanadii 2009 ayuu Man United ka tagay hadaba waa arin xiiso badan hadii weeraryahankan uu dib ugu soo laaban doono kooxdii uu kusoo caan baxay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>