Home » Horyaalada » italian Serie A » Macalin Marcello Lippi Oo Kula Taliyay Juventus Inay Pogba Ka Iibiyaan Kooxda Real Madrid

Macalin Marcello Lippi Oo Kula Taliyay Juventus Inay Pogba Ka Iibiyaan Kooxda Real Madrid


Pogba

Macalin Marcelo Lippi ayaa maamulka kooxda Juventus kula taliyay inay xidigooda Paul Pogba lacago badan kaga iibsadaan naadiga Real Madrid marka uu xili cayaareedkan dhamaado.

Marello Lippi asigoo macalin Juve ah wuxuu ku qasbanaaday sanadi 2001 inuu halyee Zinedine Zidane kooxda Real Madrid kaga iibiyo €75 million, balse lacagtaas si wanaagsan ayuu u adeegsaday madaama uu xidigo tayo wanaagsan xiligaas Juve kusoo biiriyay.

“Dabcan waxay u baahantahay dhabar adeeg inaad lumiso cayaaryahan Pogba oo kale balse lacagaha laga heli karo iibkiisa waxay kooxda ka caawin kartaa inay xidigo aad u tayo wanaagsan lasoo saxiixato”

“Markii aan Juve kusoo laabtay sanadii 2001 waxay kooxda ii sheegtay in Zidane Real Madrid laga iibin rabo, wuxuu ahaa laacibka aduunka ugu wanaagsan, laakiin Madrid waxay diyaar la ahayd €75 million”

“Kooxda waxay ii sheegtay inaan xiliaas isdajiyo sidoo kalena waxay iga balan qaadeen inay lacagaha qarash gareyn doonaan”

“Ugu dambeyntii waxaan ku guuleesanay inaan lasoo saxiixano Gianluigi Buffon, Lilian Thuram iyo Pavel Nedved waxaana sii wadnay inaan koobab ku guuleesano”

Pogba waa xidiga ugu muhiimsan kooxda Juve wuxuna dhawaan qalinka ku duugay heshiis gaarayo ilaa sanada 2019 balse dhawaanahan waxaa siweyn loola xariirinaa kooxda Real Madrid oo lacago badan xidigan ku baadi goobeyso.

Hadaba maamulka Juve ma qaadan doonaan talada uu haatan usoo jeediyay macalin Marcell Lippi oo ah inay Pogba lacago badan kaga iibiyaan kooxda Real Madrid?

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>