Home » Maxaa Cusub » Macalin Mourinho Muxuu Ka Yiri Gushii Dhibka Badneyd Oo Ay Chelsea Ka Heshay Naadiga QPR

Macalin Mourinho Muxuu Ka Yiri Gushii Dhibka Badneyd Oo Ay Chelsea Ka Heshay Naadiga QPR


Jose

Kooxda Chelsea guul dhib badan ayay ka heshay naadiga QPR kulankeedii ugu dambeeyay Premiership-ka England balse Blues guusha ay gaartay ayaa ka dhigan inay kusii dhawaaneyso hanashada EPL xili cayaareedkan.

Hadaba macalin Jose Mourinho ayaa ka hadlay sedexda dhibcood oo ay kooxdiisa Chelsea ka hesahy naadiga QPR kulan dhamaadkii cayaarta uu Fabregas Chelsa 1-0 guusha ku siiyay.

“Tilaabo muhiim ah ayaan horey ugu sii qaadnay hanashada horyaalka sidoo kalena waxay ahayd muhiim inaan kulankan guuleesano”

“Dabcan labo dhibcood ayaan lumin laheyn mana ahayn mid qorshaha noogu jirtay balse guusha aan helnay ayaa ka dhigan in haatan uu culeeska naga dagay”

“Muhiimada waxay ahayd inaan kubada heesano in badan weyna inoo suura gashay sidoo kalena dulqaadka aan sameenay ayaa noo suura galiyay inaan dhamaadkii kulankan gool muhiim ah helno”

Macalin Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea haatan 7-dhibcood ayay hogaanka kaga hayaan naadiga Arsenal oo kaalinta labaad ku jirto balse Blues kulan ayaa baaqi u ah hadii ayguuleesatana waxaa la isku raaci doonaa inay xili cayaareedkan hanan doonto Premiership-ka England.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>