Home » Maxaa Cusub » Macalin Mourinho Oo Amaan Balaaran Kala Dul Dhacay Mashiinka Chelsea Matic

Macalin Mourinho Oo Amaan Balaaran Kala Dul Dhacay Mashiinka Chelsea Matic


matic

Macalin Jose Mourinho ayaa siweyn ula dhacsan saameynta uu xili cayaareedkan lasoo baxay xidiga khadka dhexe kooxda Chelsea u maamulo Nemanja Matic.

Wuxuuna Jose ku tilmaamay xidiga reer Serbia inuu haatan yahay laacibka ugu wanaagsan kooxdiisa Chelsea wuxuuna yiri “Waqti xaadirkan Matic waa cirfiid ay ka cabsadaan cayaartooyda kale sidoo kalena awood ahaan lama loodin karo”

“Waan la yaabay sida uu Chelsea ula qabsaday waayo xilli cayaareed oo kale bar maraayo ayuu kooxda kusoo biixay bilawgii sanadkan balse midaas caqabad kuma noqonin si wacan ayuu Stamford Bridge ula qabsaday”

“Haatana Chelsea la’aantiisa ma dhaqaaqi karto waayo labo shaqo ayuu kooxda u qabtaa oo ah inuu kubada raaco sidoo kalena marka loo baahan yahay uu weerarka naadiga caawiyo”

Ugu dambeyntii macalin Mourinho ayaa aad ula dhacsan hormar ay kooxdiisa sameesay xili cayaareedkan wuxuuna aaminsan yahay inuu haatan dhisay naadi dhan walbo ka dheeli tiran.

“Waxaan ku faraxsanahay kartida ay kooxdeyda leedahay dabcan laacib walbo oo Chelsea ka tirsan sanadkan wuxuu doonayaa inuu guulo gaaro midaasna waxay kooxdeyda ka dhigtay mid aan la loodin karin”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>