Diego Costa 3-kulan ee ugu dambeesay kooxdiisa Chelsea uma cayaarin wuxuuna seegay kulamo muhiim ah madaama dhibaato dhanka muruqa ah xidigan si gaar ah ula dagtay.
Hadaba macalin Jose Mourinho ayaa ku rajo weyn inuu Costa caawo cayaarsiiyo kulankan adag ee Blues wajihi doonto naadiga Leicester City waana kulan ka tirsan Premiership-ka England ee horey labadan naadi ugu baaqday.
“Ma hubo xaalka Costa inuu yahay mid aad u wanaagsan balse waxaan doonayaa inaan xaaladiisa ku qamaaro oo aan cayaarsiiyo kulanka Leicester waayo waa xidig karti badan”
“Costa waa laacib aan u baahanahay inuu kulamadan oo kale cayaaro sidaa darteed xaaladiisa waan u kuur gali doonaa waxaana ku rajo weynahay inuu caawo cayaari karo”
Dhanka kale Macalin Mourinho ayaa sheegay inuusan kooxdiisa isbadal badan ku sameyn doonin sidoo kalena uusan kooxda Leicester dhayilsan doonin.
“Kooxdeyda isbadal badan kuma sameyn doono inkastoo Leicester sabtigii cayaartay anagana aan axaadii cayaarnay”
“Hadana waxaan doonaa inaan kulan guuleesano sidaa darteed cayaartooydeyda ugu muhiimsan dhamaantooda kulankan wey safan doonaan”