Home » Maxaa Cusub » Macalin Mourinho Oo Ku Kalsoon Inuu Dhameyn Karo Saxiixyada Labada Daafac Ee Chelsea Bartilmaameedka U Ah

Macalin Mourinho Oo Ku Kalsoon Inuu Dhameyn Karo Saxiixyada Labada Daafac Ee Chelsea Bartilmaameedka U Ah


Macalin Jose Mourinho

Macalin Jose Mourinho wuxuu kalsooni weyn ka muujiyay in maal maha nagu soo fool leh  ay kooxdiisa Chelsea £41m kusoo iibsan doonto labada daafac ee u calaameesan.

Inkastoo Chelsea ay xagaagan suuqa Yurub ka gaabineyso hadana waxaa la filaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhameyn doonto saxiixyada John Stones iyo Baba Rahman.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Blues ay £15m kusoo iibsan doonto maal maha nagu soo fool leh Baba Rahman oo daafaca garabka bidix kaga cayaaro naadiga Augsburg ee ka dhisan dalka Jarmalka.

Wuxuuna Baba Rahman buuxin doonaa booskii uu dhawaan baneeyay Felipe Luis kaasi oo dhawaan kooxda Atletico Madrid ku biiray.

John Stones oo daafaca dhexe kaga cayaaro naadiga Everton ayaa aqbalay dalabka kooxda Chelsea sidoo kalena daafacan tayada wanaagsan ayaa kooxdiisa ku cadaadinaayo inay dalabka Blues  aqbalaan.

Chelsea dhawaan dalab £20m ayaa laga diiday laakiin shabakada The Guardian ayaa sheegtay in Blues ay haatan ku kalsoon tahay in dalab cusub oo gaarayo £26m aan marnaba laga diidi doonin.

Kooxda Man United ayaa sidoo kale Stones dabagal xoogan ku heyso balse xidigan wuxuu si gaar ah u xiiseenayaa inuu macalin Jose Mourinho ka hoos cayaaro.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>