Macalinka cusub ee kooxda Real Madrid kulankiisii ugu horeeyay ee saaxiibtinimo wuxuu guul daro rigoorayaal ah kala kulmay naadiga AS Roma inkastoo kulan 90-daqiiqo 0-0 lagu kala baxay.
Sidaa darteed macalinka reer Spain ayaa rajo wanaagsan qabo wuxuuna ka dhawaajiyay in kooxdiisa wax yar ka dhiman yihiin sidoo kalena uu maal maha nagu soo fool leh wax walbo hagaajin doono.
Wuxuuna yiri “Faa’iido badan ayaan ka dhex arkay kulankii Roma, kooxdeyda si wacan ayay u diyaarsaneed sidoo kalena kubada si adag ayaan u raacnay”
“Balse fursado badan ayaan iska qasaarinayay waana halka la rabo inaan iska saxno sidaa darteed 5-maalmood kadib kooxdeyda awood ahan wey dhameestirmi doontaa”
Sidoo kale macalin Rafa Benitez ayaa sheegay in goolhaye Keylor Navas uu tartan kala kulmi doono saxiixa cusub eee Madrid Kiko Casilla wuxuuna yiri “Waxaan doonayaa inaan labada goolhaye tartan siiyo si aan mid walbo awoodiisa dheeriga ah uga faa’iideesano”
Ugu dambeyntii macalin Rafa Benitez ayaa sheegay inuu nidaam kala duwan tijaabin doono inta ay kulamada tijaabada ag ku jiraan.
Ugu dambeyntiina uu xili cayaareedka cusub u adeesgan doono shaxda uu isdhaho xidigaha aad heesatid wey ku haboon yihiin.