Home » Horyaalada » La Liga Spain » Macalin Rafa Benitez Oo Beeniyay Inuu Qilaaf Kala Dhaxeeyo Cristiano Ronaldo

Macalin Rafa Benitez Oo Beeniyay Inuu Qilaaf Kala Dhaxeeyo Cristiano Ronaldo


Ronaldo 222

Saxaafada Ingiriiska ayaa baahisay in Cristiano Ronaldo uusan ku faraxsaneyn kooxdiisa Real Madrid sidoo kalena uu haatan aad u dhibsanaayo inuu la shaqeeyo macalinka Real Madrid ku cusub Rafeal Benitez.

Balse macalin Banitez ayaa si deg deg ah kaga jawaabay arinkan wuxuuna beeniyay inuu xiriir xun kala dhaxeeyo hogaamiyaha Real Madrid Cristiano Ronaldo.

Macalin Rafa wuxuu yiri “Dadka waxay ka hadlayeen tababarka wixii ka dhacay balse waxay arkeen farxada Ronaldo ka muuqato iyo bandhiga uu garoonka ka sameeyay”

Benitez ayaa saxaafada la hadlay kadib markii Real Madrid ay 4-1 kaga badisay naadiga Man City kulan saaxiibtinimo.

Asigoo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Aniga iyo Ronaldo farxad wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso waana ku faraxsanahya bandhiga uu sameeyay kulankii Man City”

“Wax walbo wey wanaagsan yihiin kubada cagta waxaa muhiim ah in mustaqbalka diirada la saaro haatana mustaqbalka kooxda waa mid wanaagsan”

Man United oo sanadii 2009 Real Madrid ka iibisay Cristiano Ronaldo ayaa dooneyso inay xagaagan dib usoo ceshato weeraryahankan awooda badan.

Balse lama hubo in kooxda reer Spain ay diyaar u tahay inay xagaagan lumiso laacibka aduunka ugu wanaagsan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>