Home » Horyaalada » italian Serie A » Macalin Roberto Mancini Oo Ka Hadlay Kusoo Laabashadiisa Garoonka San Serio

Macalin Roberto Mancini Oo Ka Hadlay Kusoo Laabashadiisa Garoonka San Serio


Roberto Mancini

Tababare Roberto Mancini ayaa si lama filaan ah loogu magacaabay hogaanka kooxda Inter Milan kadib markii maamulka kooxdan ay xilka ka xayuubiteen Walter Mazzari.

Sidaa darteed Mancini oo ah shaqsi ay jecel yihiin taageerayasha Inter ayaa ka hadlay kusoo laabashadiia garoonka San Serio.

Wuxuuna yiri “Marnaba ma fileyn inaan dib ugu soo laaban doono halkan balse marwalbo qalbiga ayaan ku haayay Inter Milan”

“Waxaan u mahad celinaa maamulka iyo taageerayaasha kooxda oo gacmo furan igu soo dhaweeyeen”

“Waxaana dhamaanteena inoo wada taalo shaqo culus waayo Inter waa naadi weyn mana u qalanto haatan kaalinta ay ku sugan tahay iyo jah wareerka ay ku jirto”

Mancini ayaa hore Inter Milan ugu qaaday 4-horyaal iyo 2-Copa Italia wuxuuna mudo 4-sano ah macalinkan kooxdan hogaamiyay 226-kulan oo heer caalami ah.

Hadaba Mancini dib ma ugu soo celin doonaa Inter Milan safka hore ee Serie A-da iyo koobka horyaalada Yurub.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>