Macalin Brendan Rodgers mustaqbalkiisa Liverpool waxa uu noqon doonaa maal maha nagu soo fool leh ayaa la ogaan doonaa.
Tababarahan culeeska weyn heesto wuxuu kulan xasaasi ah la qaadan doonaa milkiilaha labaad ee kooxda Liverpool Tom Werner.
Milkiilaha reer Mareekan maanta ayuu Merseyside soo gaari doonaa wuxuu kulan xasaasi ah Rodgers la qaadan doonaa maalinta berito oo arbaco ku beegan.
Tom Werner iyo John W Henry oo isla leh kooxda Liverpool bil ka hor ayay Rodgers la kulmeen waxayna u balan qaadeen inuu Liverpool sii leylin doono.
Balse haatan xaalka wuu isbadalay waxayna Liverpool xili cayaareedka ku dhameesatay si fool xun sidoo kalena taageerayaasha Liverpool 95% waxay isku raaceen in tababarahan xilka laga qaado.
Rodgers oo 42-jir ah hogaanka Liverpool wuxuu la wareegay 3-sano ka hor inkastoo xili cayaareedkii hore uu Liverpool Champion-ka dib ugu soo celiyay mudo 4-sano kadib hadana macalinkan isla xili cayaareedkan kaalinta 6-aad ayuu ku dhameestay mana qayb qaadan doonto Liverpool koobka Yurub. Hadaba arbacada ayaa mustaqbalkiisa garoonka Anfiedl go’aan laga gaari doonaa.