Macalinka kooxda Liverpool Brenden Rodgers ayaa ka dhawaajiyay in xidiga dhalinta yar Raheem Sterling uu aad ugu faraxsan inuu baaqi kusii ahaado garoonka Anfield sidoo kalena maamulka kooxdan ay wadaan qorshe heshiis qaali ah looga saxiixayo.
Sterling qandaraaska uu haatan Reds kula joogo ayaa ku eg dhamaadka sanada 2017 sidoo kalena mudo dheer ayay 20-jirkan Liverpool wada hadalo la waday sidii uu qandaraas dheer u saxiixi lahaa.
“Raheem marar badan ayaan kala hadlay mustqabalkiisa ku aadan Liverpool wuxuuna ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay halkaan”
“Sidoo kalena maamulka kooxda waxay xidigan dhalinta yar u bandhigeen heshiis uusan diidi karin waana hubaa in mustaqbalkiisa si dhaqsi ah loo xalin doono”
“Raheem wuu nasiib badan yahay madaama uu heesto naadi si walbo u garab taagan waayo asigoo dhalin yar ayuu fursad wanaagsan Reds kaga helay inuu si joogto ah u cayaaro”
“Dabcan kalsoonidii aan siiyay abaalkeeda ayuu noo guday madaama uu xili cayaareedkan kusoo baxay laacib marwalbo Liverpool goolal muhiim ah u dhaliyo”
Liverpool waxay caawo la cayaari doontaa naadiga Tottenham kulan ka tirsan Premiership-ka England wuxuuna macalin Rodgers ka rajeynaa Sterling inuu kulankan Liverpool guul muhiim ah gaarsiiyo sidoo kalena kaalinta 4-aad xili cayaareed gaarsiiyo.
saleebaankaafi:liverpool
10-February-2015 at 10:33 am
Sterling wuu og yahay in liverpool oo ku noqday xidig sare isagoo aad u yar waana hunaal inuu saxeexi doono heeshiis ah ilaa 2025 guul liverpool