Home » Maxaa Cusub » Macalin Rodgers “Mario Balotelli Mustaqbalkiisa Cayaareed Isaga Ayaa Go’aan Ka Gaari Karo”

Macalin Rodgers “Mario Balotelli Mustaqbalkiisa Cayaareed Isaga Ayaa Go’aan Ka Gaari Karo”


Mario-Balotelli-Brendan-Rodgers-414897

Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa warka soo koobay xili wax laga weydiiyay doorka uu Mario Balotelli Reds ku yeelan karo xili cayaareedka cusub.

Macalin Rodgers aya ka dhawaajiyay in Mario Balotelli uu isaga mustaqbalkiisa cayaareed go’aan ka gaari karo.

Wuxuuna yiri “Mario safarka cayaareed nooma soo raacin balse wuxuu tababar ku qaadanayaa Melwood sidoo kalena diyaar wanaagsan ayuu ku jiraa asiga iyo xidigo kale”

“Wuxuu dadaal adag ugu jiraa sidii uu waxqabad wanaagsan ula imaan lahaa waanu arki doonaa waxa uu la imaado xili cayaareedka cusub”

“Aniga kuma qasbi doono inuu kooxda isaga tago asiga ayaa xaq u leh inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa cayaareed”

Super Mario sanadkan 2015 xaalka ayaa ku xun wuxuuna kooxdiisa u saftay kaliya 5-kulan Premiership-ka England waxayna saxaafada dalka England hadal heysaa in Liverpool ay xidigan xagaagan iska fasixi doonto.

12-bilood ka hor Liverpool waxay £16m kaga soo iibsatay Balotelli naadiga AC Milan balse guud ahaan xili cayaareedkii dhawaa xidigan Liverpool kaliya 4-gool ayuu u dhaliyay dhamaan tartamada kala duwan wuxuuna siweyn ugu fashilmay inuu Reds wax badan ka caawiyo.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>