Kadib jabkii ku dhacay kooxda Liverpool macalin Brendan Rodgers ayaa u waramay wargeska Daily Star wuxuuna tababarah haatan gacan ka taagay in kooxdiisa ay kaalinta 4-aad gaari karto.
Lverpool guuldaro 4-1 ayay kala kulantay kooxda Arsenal kulankeedii ugu dambeeyay haatana 8-dhibcood ayay ka hooseeyaan kooxda Man United oo kaalinta 4-aad ku jirto halka ay 9-dhibcood ka hooseeyaan kooxda Arsenal oo kaalinta 3-aad ku jirto.
Hadaba macalin Rodgers oo quus taagan wuxuu yiri “Waa run aadbay noogu adag tahay inaan kaalinta 4-aad gaarno waayo kulankii aan u baahneyn inaan guuleesano ayay wax walbo gacmaheena ka baxeen”
“Ma sheegi karo hadii isbadal aan caadi ahayn uu dhaco balse suura gal ma ahan inaan Man United iyo Arsenal gaarno madaama kulamada horyaalka ay sii dhamanaayaan”
Sidoo kale macalin Rodgers wuxuu ka hadlay sida kooxdiisa 4-gool looga dhaliyay kulankii Arsenal wuxuuna yiri “Xiliyo muhiim u ah kulankan ayaan si wanaagsan kubada isaga difaaci weenay xitaa bilawgii kulankan kooxdeyda waji wanaagsan kuma bilaabin”
“Waxaan dhihi karaa si liidato ayaan isaga difaaci weenay dhamaan 3-gool ee qaybtii hore nagala dhaliyay waana ka xumahay in kulan muhiim inoo ah inaan galno qaladaad siweyn loo arki karay!”