Laacibka dhalinta yar Raheem Sterling siweyn ayaa magaciisa loogu hadal hayaa suuqa Yurub madaama uu iska diiday inuu kooxdiisa heshiis cusub u saxiixo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayo in kooxda Chelsea ay dhankeeda sheegtay inay xagaagan dhigeeda Liverpool kala hadli doonto qaabkii Sterling looga iibin lahaa.
Waxaana xidigan ku raad joogaan saxiixiisa kooxo badan sida Man City, Arsenal, Bayern Munich, Real Madrid iyo kuwo kale.
Balse macalin Brendan Rodgers ayaa meesha ka saaray in xagaagan ay iibin doonaan 20-jirkan wuxuuna yiri “Liverpool waxay ka mid tahay kooxaha Yurub ugu awooda badan diyaarna uma ahan inay Sterling iska iibiso xagaagan”
“Raheem heshiiskiisa 2-sano ayaa ka harsan sidaa darteed lama joogo xili aan isku mashquulino arimo aan loo baahneyn”
“Sidoo kalena maamulka kooxda ayaa ila qabaan in xagaagan ay Sterling la fasixin waayo wax walbo wey is badali karaan”