Macalinka kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa damacsan inuu xagaaga nagu soo fool leh garoonka Anfield ka diri ugu yaraan 5-cayaaryahan.
Steven Gerrard inuu bixi doono muran kama taagno madaama qandaraaskiisa bisha June ku eg yahay wuxuuna xidigan heshiis la gaaray oo uu ku biiri doonaa naadiga LA Galaxy.
Sidoo kale Glen Johnson isaga fadhi uma yaalo madaama laga diiday in qandaraas cusub laga saxiixo sidaa darteed marka uu xili cayaareedkan soo idlaado xor ayuu u yahay naadig uu doono inuu ku biiro waxaana afka lagu hayaa inuu Serie A-da Talyaaniga u dhaqaaqi doono.
Sedexda weeraryahan ee Liverpool waxba aan u heynin haatan Mario Balotelli, Fabio Borini iyo Rickie Lambert iyagana macalin Rodgers wuxuu u sheegay marka uu xili cayaareedkan dhamaado inay kooxo kale baadi goob u galaan.
Madaama ay qandaraasyo kala duwan Liverpool kula jiraan sedexdan xidig ayaa la filaa in Liverpool ay qiimo jaban ku fasaxdo madaama aysan heli doonin kooxo lacago badan ku doonayaan.
Mario Balotelli isaga lama ogo halka uu aadi doono balse Lambert iyo Borini waxaa la sheegay inay Premiership-ka baaqi kusii ahaan doonaan madaama ay dalab ka heleen kooxaha dhex dhexaadka ah.