Macalin Luis Van Gaal waa tababare hal abuur badan sidoo kalena inta badan xidigahiisa ka cayaarsiiyo boosas ku cusub.
Sidaa darteed macalinkan waaya araga ah ayaa sheegay in xidiga reer Holland Daley Blind uu daafaca dhexe ka cayaarsiin doono kulamada saaxiibtinimo ee United dhawaan cayaari doonto.
Daley Blind kulankii Man United 1-0 kaga badisay kooxda Club America ayuu daafaca dhexe ka cayaaray wuxuuna suura galiyay in kooxdiisa aa wax gool ah laga dhalinin.
Sidaa darteed Van gaal ayaa sheegay in Daley Blind uu booska dhexe ku aamini doono si dhibaatada Man United ka heesato daafaca dhexe uu xal ugu helo.
Van Gaal wuxuu yiri “Daley waa xidig qabiir ah inkastoo uu 25-jir yahay hadana waa laacib ku haboon nidaam walbo ee kooxdeyda cayaari karto”
“Sidaa darteed kulamo dheeri ah ayaan daafaha dhexe ka cayarsiin doonaa madaama ay aragtidiisa wanaagsan tahay sidoo kalena uu kubada si fiican u bilaabi karo”
“Waxaan ku kalsoonahay dhibaatada daafaca dhexe naga heesato inuu xalin karo mustaqbalka dhow waayo Daley waa laacib karti badan”
Daley Blind xagaagii hore ayuu Man United naadiga Ajax kaga soo biiray wuxuuna xili cayaareedkii dhawaa kooxdiisa u saftay 29-kulan inta badan khadka dhexe iyo garabka bidix ee daafaca ayuu ka cayaaray xidigan garoonka Old Trafford ku cusbaa sanadkii hore.