Home » Maxaa Cusub » Macalin Van Gaal “Taktikada Man United Cayaareyso Go’aan Kama Gaari Karaan Taageerayaasheena”

Macalin Van Gaal “Taktikada Man United Cayaareyso Go’aan Kama Gaari Karaan Taageerayaasheena”


Van Gaal

Macalin Luis Van Gaal ayaa iska diiday inuu qaato talooyinka kala duwan ee kaga imaanayo taageerayaasha Man United wuxuuna macalinkan la kulmay dhaliil xoogan.

Gaar ahaan kulankii ugu dambeeyay ee Man United la cayaartay kooxda QPR macalin Van Gaal wuxuu sameeyay inuu dhanka weerarka ka cayaarsiiyay Angel Di Maria halka uu Wayne Rooney khadka dhexe galiyay.

Macalinkan oo ah shaqsi madax adag ayaa u jawaabay dadkii dhaliilay wuxuuna yiri “Tatkikada Man United cayaareyso go’aam kama gaari karaan taageerayaasheena waayo inka badan 600-milyan oo taageero ah ayaan leenahay”

“Marka waa arin waali ah hadii aan qof walbo taladiisa qaato, waxaa wanaagsan inaan maskaxdeyda ka socdo!”

“Shaqadeyda waxay tahay inay cayaartooyda si joogto ah ula xariiro marka ay garoonka ku jiraan iyo xitaa xiliga tababarka kadibna aan doorto cayaartooyda aan isleeyahay shaxda aan doonayo wey ku haboon yihiin”

“Muhiimada waxay tahay ama inta badan waxaan go’aankeyga ku saleeyaa bandhiga ay cayaartooyda sameeyaan xiliga tababarka”

Macalin Van Gaal ayaa geeska kale iska diiday inuu aqbalo in xili cayaareedkan wixii laga filaayay uusan la imaanin madaama Man United hataan fadhiso kaalinta 4-aad.

“Marnaba ma dhihin Man United horyaalka ayay qaadi kartaa xitaa markii uu xili cayaareedkan bilaw ahaa balse waxaan dhahay kooxda waan dhisi doonaa sidoo kalena waxaan dib ugu soo celin doonaa koobka horyaalada Yurub”

“Man United waa koox fac weyn marwalbana cadaadiska wuu iska jiraa balse waan aqaan sida aan u qiimeeyo shaqadeyda ilaa haatana waxa aan ku faani karo ayaan Old Trafford kusoo kordhiyay”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>