Home » Maxaa Cusub » Macalin Van Gaal “Xili Cayaareedkan Wuxuu Noqon Doonaa mid Qaas U Ah Luke Shaw”

Macalin Van Gaal “Xili Cayaareedkan Wuxuu Noqon Doonaa mid Qaas U Ah Luke Shaw”


Luke Shaw

Waa markii ugu horeesay daafaca dhalinta yar Luke Shaw uu amaan ka helo macalinkiisa Luis Van Gaal tan iyo markii uu xagaagii hore Man United kusoo biiray.

Luke Shaw Man United waxay £27million xagaagii hore kaga soo iibsatay kooxda Southampton balse daafacan kaalintiisa kama soo bixin sababo la xariiro dhaawacyo joogto ah iyo inuu la qabsan waayay nidaamka macalin Van Gaal.

Balse xidigan xagaagan kooxdiisa si joogto ah ayuu ugu cayaaray kulamada tijaabada ah oo ay cayaartay sidoo kalena bandhig wanaagsan ayuu sameeyay.

Macalin Van Gaal ayaa amaan kala dul dhacay daafacan dhalinta yar wuxuuna yiri “Luke Shaw waa xidig tayo wanaagsan sidoo kalena dhalin yar”

“Uma sahlaneyn inuu Man United si dhaqsi ah ula qabsado madaama uu Southampton kasoo tagay asigoo aad u dhalin yar”

“Laakiin xagaagan dadaal wacan ayuu sameeyay waxaana ku kalsoonahay in xili cayaareedkan uu noqon doono mid Shaw qaas u ah”

“Asiga iyo Memphis Depay farqiga u dhaxeeyo ayaa ah inuu isaga Ingiriis yahay halka Depay laga rabo inuu dhaqanka iyo nolosha England la qabsado”

“Luke waa 20-jir wuxuuna ka mid yahay xidigaha fara ku tiriska ah ee 20-sano jiraan kuwaas oo horyaalka England ka dhex muuqdaan”

Hadalka kasoo yeeray macalin Van Gaal ayaa muujinaayo in Shaw uu kalsoonida macalinkiisa kasbaday sidoo kalena xili cayaareedka cusub uu boos joogto ah Man United ka heli karo.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>