Kubad sameeyaha reer Jarmal Mesut Ozil waxaa la hadal haayay in kooxda Juventus ay saxiixiisa ku raad joogto waxayna Juve ugu tala gashay inay xagaagan lacago badan kusoo iibsati.
Balse macalin Arsene Wenger ayaa arinkan ka aamusi waayay wuxuuna ka dhawaajiyay in Ozil uusan beec ahayn sidoo kalena xidigan garoonka Emirates uu ku faraxsan yahay.
Wenger oo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Ozil waa laacibkeena wuuna sii ahaan doonaa sidoo kalena isagana wuxuu ku faraxsan inuu Arsenal lasoo joogo”
“Mesut siwacan ayuu kooxda ula qabsaday inkastoo sanadkii hore uu dhibaatooyin kala duwan la kulmay”
“Balse xili cayaareedkii dhawaa qaybtii dambe siweyn ayuu noo caawiyay waxaana ka fileynaa inuu sanado badan na caawiyo sidaa darteed xidigeena marnaba ma fasixi doono”
Kooxda Juventus qorshaheeda wuxuu yahay inay Ozil lasoo saxiixato sidoo kalena lambarka 10-aad u galiso xidigan si uu booska Carlos Tevez u buuxiyo.
Dhinaca kale Wenger ayaa ka hadlay saxiixyada cusub oo ay kooxda Man United sameesay wuxuuna yiri “Waan oganahay in Man United ay saxiixyo dheeri ah sameyn doonto madaama ay horyaalka loolan u gali doonto”
“Waxax ku fikireen inay khadka dhexe iska dhisaan waxayna lasoo saxiixdeen labo cayaaryahan oo muhiim ah Bastian Schweinsteiger iyo Morgan Schneiderlin”