Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ka dhawaajiyay in xidigiisa Alexis Sanchez uu kasoo baxay kaaliniisa sidoo kalena la yimid wixii laga filaayay wax ka badan.
Sidaa darteed Wenger ayaa ku tilmaamay Sanchez saxiixii ugu wanaagsanaa oo ay Arsenal sameyso 10-sano ee ugu dambeeyay.
“Sanchez waa xidig dadaal badan sidoo kalena kooxdeyda wax weyn kusoo kordhiyay waxaa intaas usii dheer inuu yahay laacib dadaal badan”
“Alexis waxaan ku tilmaami karaa saxiixii ugu wanaagsanaa ee Arsenal sameesay 10-sano ee ugu dambeeyay”
“Runtii wuxuu kooxda ula qabsaday sidii uu Thiery Henry ula qabsaday oo kale waana xidig geesi ah marwalbana mudnaanta siiyo sidii uu kooxdiisa guulo ku gaarsiin lahaa”
26-jira reer Chile si fiican ayuu kooxdiisa ula qabsaday inkastoo uu xili cayaareedkan Arsenal kusoo biiray hadana waxaa u suura gashay inuu 22-gool ka dhaliyo dhamaan tartamada kala duwan.
Haatana wuxuu fursad u heestaa inuu todobaadka dambe kooxdiisa Arsenal kula guuleesto koobkiisii ugu horeeyay madaama ay Arsenal Finalaha FA Cup-ka taagan tahay.