Macalinka kooxda Arsenal ayaa sheegay in kooxdiisa ay xal u heshay dhaawaca joogtada ah ee dhanka muruqa ka asiibo Aaron Ramsey.
24-jirkan u dhashay dalka Wales xili cayaareedkan oo kaliya mudo 4-bilood oo kala duwan ayuu kooxdiisa dhaawaca dhanka muruqa hoose kaga maqnaaday waxaana intaas usii dheer inuu mudo dheer dhibka ku jiray.
Hadana Ramsey ayaa Gunners-ka dib ugu soo laabtay waxaana lagu wadaa laacibkan inuu kooxdiisa u cayaaro kulanka ay wajihi doonto naadiga QPR.
Macalin Wenger oo ka hadlaayo xaalka Ramsey wuxuu yiri “Dabcan arinka Ramsey xal ayaan u helnay waayo marka hal dhaawac uu si joogto ah kuugu soo laab laabto waa in la raadiyaa waxa sababi karo”
“Gaar ahaan dhaawacyada murqaha ee soo laab laabto waxaa ugu wacan jirka cayaaryahanka oo diyaarsaneyn iyo asigoo baqdin niyada ka gasho”
“Sidaa darteed la talin dhanka maskaxda ah ayaa Ramsey loo sameeyay si uusan niyada ugu heynin in dhaawacan uu kusoo laaban karo
“Haatan niyad ahaan wuu qanacsan yahay waxaana rajeynaa inta ka harsan xili cayaareedkan inuu siweyn noo caawin karo marba hadii uu caafimaad qabo”