Home » Horyaalada » La Liga Spain » Macalinka Barcelona Oo Sheegay Inuu Nasin Doono Messi Iyo Neymar Todobaadkan

Macalinka Barcelona Oo Sheegay Inuu Nasin Doono Messi Iyo Neymar Todobaadkan


FBL-ESP-BRA-BARCELONA-SANTOS

Tababaraha kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa ka dhawaajiyay inuu nasin doono labada xidig ee kooxdan ugu muhiimsan Lionel Messi iyo Neymar.

Tani waxay ka dhigan tahay in labadan xidig aysan safan doonin ama badal kusoo gali doonaan kulanka Barca sabtiga nagu soo fool leh la cayaari doonto naadiga Eiber La Ligaha Spain.

Wargeska AS ayaa sheegay in labadan xidig nasiino loo qoray, madaama Neymar uu 18-daqiiqo cayaaray labadii kulan ee uu xulkiisa Brazil u saftay halka Messi isagana uu 150-daqiiqo ku dhawaad u saftay xulkiisa Argentina kulamadii saaxiibtinimo oo ay cayaareen.

Barcelona talaada nagu soo fool leh waxay koobka horyaalada Yurub la cayaari doontaa naadiga Ajax halka 4-maalin kadib ay El Classico wajihi doonto kooxda Real Madrid sidaa darteed macalin Enrique wuxuu doonayaa inuu todobaadkan labadan xidig nasiyo si ay kulamada adag u cayaaraan ayagoo caaboon.

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>