Macalinka kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa afka kala furtay sidoo kalena waxba uma uusan reebanin xidigiisa Arturo Vidal madaama uu tababarahan ka carooday falkii uu dhawaan xdiga reer Chile ku kacay.
Todobaadyo ka hor Juventus waxay £80,000 oo pound ku ganaaxday inuu bixiyo Vidal oo kusoo daahay goobaha lagu caweeyo, weli tababare Allegri ma qanacsano wuxuuna la yaaban yahay fal xumada uu ku kacay laacibka ugu muhiimsan Juventus.
“Vidal waa stupid waayo marnaba Juve kama fileyn inuu aqlaaq xumo ku kici karo madaama uu yahay xidig ku dayasho mudan falkii uu sameeyay dhamaanteena ayuu naga careysiiyay”
Vidal ayaa labo todobaad ka hor ku daahay goob lagu caweeyo oo ku taalo bartamaha magaalada Turin wuxuuna xerada jiifka Juventus imaaday 5:30 aroornimo taasi oo sababtay in Juve ay xidigan dul dhigto ganaax taariikhi ah.
Wargeska Daily Star ayaa sheegay in haatan tababare Allegri iyo Vidal uusan xiriir wanaagsan ka dhaxeynin waxaana xidigan loo badinaa in kooxda Juve ay horaanta bisha Janaayo ee nagu soo fool leh iska iibin doonto.