Tababare Manuel Pelligrini ayaa kul xasaasi ah la qaatay maamulka kooxda Man City waxayna inta badan saxaafada dalka Ingiriiska sadaalineesay in macalinkan uu shaqadiisa weyn doono balse midaas ma dhicin.
Tababaraha reer Chile ayaa kulan xasaasi ah la qaatay maamulka City sidoo kalena waxay si gaar ah u wada sheekeesteen Txiki Begiristain oo ah agaasimaha Man City.
Pelligrini ayaa loo sheegay inuu shaqadiisa sii wadan karo sidoo kalena uusan mustaqbalkiisa cayaareed halis ku jirin, aqbaartaas ayaa farxad galisay macalinkan waaya araga ah oo maal mihii ugu dambeesay niyada ku haayay in kooxda laga racadeyn doono.
Inkastoo Pelligrini loo sheegay in shaqadiisa aysan halis ku jirin hadana macalinkan waxaa looga naxsaday in bisha Janaayo marka uu suuqa Yurub dib u furmo inaan wax lacag loo heynin.
Masuuliyiinta City ayaa u sheegeen Pelligrini inuu niyadiisa ka saaro in lacago badan oo uu cayaartooy kusoo iibsado la siin doonin sidaa darteed macalinkan wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu iska iloobo hamigii kaga jiray inuu lasoo saxiixo Marco Reus iyo Ross Barkley.