Ugu dambeyntii macalinka naadiga Palermo Beppe Iachini ayaa banaanka soo dhigay sir dadka ka qarsaneed kadib markii uu shaaca ka qaaday in weeraryahanka kooxdisia Paulo Dybala uu heshiis la gaaray naadiga Juventus.
Inkastoo xidigan dhalinta yar ay ku raad joogeen dhamaan kooxaha Yurub ugu caansan hadana Juventus ayaa ku guuleesatay inay gacanta kusoo dhigto weeraryahankan mustaqbalka wanaagsna kubada cagta ku leh.
Tababare Beppe Iachini oo mustaqbalka xidigiisa ka hadlaayo wuxuu yiri “Dybala haatan waa cayaaryahan Juventus ka tirsan waxaana dadaal ugu jirnaa inaan kooxda dib u dhis ku sameyno”
Sidoo kale Express ayaa sheegay in 21-jirkan uu Juventus heshiis rasmi ah la gaaray waxayna kooxda Turin ku dhisan xidigan keenistiisa qarash ahaan uga bixi doonto €40m.
Dybala kulankii ugu dambeeyay ee kooxdiisa Palermo la cayaartay naadiga Cagliari lama cayaarsin madaama laga cabsi qabay in dhaawac soo gaaro sidoo kalena uu bur buro heshiiska Juve xidigan ku qaadan doonto.
Kooxda Juventus ayaa la filaa inay dhanka weerarka iska xoojiso waxayna Dybala galin doontaa booska Fernando Llorente oo la hubo in xagaagan magaalada Turin laga diri doono.