Home » Horyaalada » La Liga Spain » Macalinka Xulka Argentina Tata Martino Oo Si Rasmi Ah U Sheegay Laacibka Uu Codkiisa Ballon d’Or Siin Doono

Macalinka Xulka Argentina Tata Martino Oo Si Rasmi Ah U Sheegay Laacibka Uu Codkiisa Ballon d’Or Siin Doono


Lio

Tababaraha xulka Argentina Gerardo Tata Martino ayaa si rasmi ah saxaafada ula wadaagay laacibka uu codkiisa ugu deeqi doono abaal marinta FIFA Balon d’Or oo haatan isugu soo hareen 23-cayaaryahan oo musharaxiin ah.

Macalin Tata ayaa si cad u sheegay inuu codkiisa siin doono Lionel Messi oo ah kabtanka xulka Argentina kana mid ah musharaxiinta sanadkan u taagan abaal marinta sanadlaha ah ee uu laacib walbo ku riyoodo inuu mar un calfado.

“Marwalbo codkeyga Messi ayaan siin doonaa marka ay timaado abaal marinta Ballon d’Or, waa xidig aad u wanaagsan marwalbo jebiyo iskoorada aduunka u yaalo!”

“Leo waa laacib ka farsamo wanaagsan dhamaan xirfadlayaasha kale sidoo kalena isku kalsoon anigana dhankeyga waxaan ku caawin doonaa codkeyga marka ay timaado codeynta abaal marinta FIFA Ballon d’Or”

Tata Martino iyo Lionel Messi ayaa ah labo shaqsi oo xiriir aad u wanaagsan ka dhaxeeyo waxaana inta badan la sheegaa inuu Messi sabab u ahaa macalinkan inuu naadiga Barcelona sanadkii hore xilkeeda loo dhiibo haatana Messi ayaa ka talo bixiyay in Tata xilka xulka Argentina loo dhiibo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>