Home » Europe » Champions League » Macalinkii Hore Juventus Marcello Lippi: “Barcelona Wali Kuma Aadin Koox Sida Juventus Oo Kale Ah”

Macalinkii Hore Juventus Marcello Lippi: “Barcelona Wali Kuma Aadin Koox Sida Juventus Oo Kale Ah”


Lippi

Macalinkii hore kooxda Juventus Marcello Lippi ayaa muujiyay taageerada uu u hayo kooxdisii hore isagoo aaminsan in Bianconerri ay ka yaabin doonto Barca marka ay labada kooxood ku kulmaan finalka koobka Horyaalada yurub.

Labadan kooxood waxey 6-da June ku kulmi doonaan garoonka Olympiastadion ee magaalada Berlin waana garoonkii uu macalinkaan xulka talyaaniga ugu qaaday koobkii Aduunka 2006.

Lippi ayaa ka dhawaajiyay in Barcelona ay tahay haatan kooxda ugu cad-cad, balse ay adkaan doonto iney dhaafan kooxda heysata horyaalka talyaaniga.

“Barcelona ayaa ugu cad-cad, balse kuma socon doonto darbiga horyaala” ayuu yiri Lippi oo la hadlayay La Politica nel Pallone. “Marka koox ay gaarto Final ma badali doonaan dabeecadahooda” Ayuu yiri.

“Barcelona wali ma aysan wajahin koox sida Juventus oo kale ah taasoo leh awood difaaceed isku xiran sidoo kalana durba weerar halis ah abuuri karta marka ay kubada ku guuleysato” Ayuu yiri Lippi.

Dhanka kale Lippi ayaa amaanay weeraryahanada hore ee Barcelona MSN kuwaas oo ah kuwo aad looga baqo wuxuuna sidoo kale sheegay iney Barcelona xidigaheda wajahayaan mid ka mid ah goolhayayaasha ugu wanaagsan dunida kubada cagta “Gigi”

Barca iyo Juve waxey heystaan fursad ay ku qaadi karaan koobabka Sadexleyda, Lippi ayaana qiray in kulanka uu yahay mid aan sahlaneyn.

Ugu dambeyntii Barca iyo Juve ayaa ku ka hor finalka Champions League-ga ciyaari doona labada final ee Copa Italia iyo Copa Del Rey.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>