Xili cayaareeedkan iyo 11-ka xidig ee ugu wanaagsan magaalada London kooxaha ka dhisan Premiership-ka England waxaa awood ku qabsadeen xidigaha Chelsea.
Inta badan xili cayaareedkan kooxda Chelsea ayaa ugu awood badneed kooxaha ka dhisan magaalada London sidaa darteed la yaab ma ahan in ugu yaraan 7-cayaaryahan Blues ku yeelato kooxda London ugu wanaagsan xili cayaareedkan.
Hadaba hoos kaga bogo 11-ka xidig ee ilaa haatan xili cayaareedkan ugu wanaagsan kooxaha magaalada London ka dhisan:
Goolhaye: Hugo Lloris (Tottenham Hotspur)
Daafaca: Branislav Ivanovic (Chelsea), Cesar Azpilicueta (Chelsea), John Terry (Chelsea), Gary Cahill (Chelsea)
Khadka dhexe: Nemanja Matic (Chelsea), Cesc Fabregas (Chelsea), Alexis Sanchez (Arsenal), Christian Eriksen (Tottenham Hotspur)
Weerarka: Harry Kane (Tottenham Hotspur), Diego Costa (Chelsea)
muctad aguero
9-February-2015 at 9:02 am
aaway aguero iyo yaya ture
Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"
9-February-2015 at 9:05 am
Akhriste warbixinta si fiican u aqri..
waxa laga hadlayo waa kooxaha ka dhisan magaalada London oo kali ah maahan EPL-ka dhan
Mr: Olol
9-February-2015 at 6:02 pm
hormuudka london waxaa weligeedba ahayd kooxda chelsea sababtoo ah waa kooxdii ugu horaysay oo sooqaada champion kana soo dejisa caasimada england marka chelsea xaq ayey uledahay inay noqoto kooxda ugu badan qiimaynta london jose mourinho wuxu yimi chelsea oo baa ba ah wuxuuna iminka dhisay koox awoodleh oo laga cabsado guul tagerayaasha chelsea hambalyo tababare mourinho geesi