Home » Maxaa Cusub » Man City Oo £150m Qarash Gareyn Doonto Si Ay Pogba, Sterling iyo Kevin De Bruyne Ula Soo Saxixiato

Man City Oo £150m Qarash Gareyn Doonto Si Ay Pogba, Sterling iyo Kevin De Bruyne Ula Soo Saxixiato


Trio

Kooxda Man City ayaa heshay kalsooni balaaran oo ay awoodeeda dhaqaale suuqa Yurub kaga soo bandhigi karto madaama culeeska dhanka UEFA kaga imaanay haatan laga yareeyay kaasi oo ahaa inaysan lacago badan qarash gareen karin.

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in Man City ay qarash gareen doonto £150m todobaadyada nagu soo fool leh si ay gacanta ugu soo dhigto Paul Pogba, Raheem Sterling iyo Kevin de Bruyne.

Man City waxay ku kalsoon tahay in dalab cusub oo £45m ah hadii ay Liverpool u gudbiso maal maha nagu soo fool leh inay Raheem Sterling gacanta kusoo dhigi doonto.

Balse qarashaadka ugu badan waxay ku bixin doontaa saxiixa Paul Pogba oo ay ugu tala gashay inay £60m kaga soo iibsato kooxda Juventus.

Kevin De Bruyne waxaa lagu qiimeeyaa  £40m waxayna diyaar la tahay Man City inay lacagahaas sida ugu dhaqsiyaha badan kooxda Wolfsburg ku siiso.

Man City sidoo kalena waxay soo gaba gabeen rabtaa saxiixa xidiga xulka England iyo naadiga Aston Villa khadka dhexe kaga cayaaro Fabian Delph waxayna ku qaadan rabtaa £8m.

Waxaa naga xasuusin ah in Man City ilaa haatan ay hal saxiix sameesay kaasi oo ah inay £2m kula soo wareegtay weeraryahanka reer Turkey Enes Unal ee ka tirsanaa naadiga Bursaspor.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>