Wargeska The Sun ayaa sheegay in kooxda Man City ay isku diyaarineyso nolol Eden Dzeko ka maqan yahay madaama weeraryahanka reer Bosnia uu aqbalay inuu kooxda AS Roma ku biiro.
Sidaa darteed Man City ma dooneyso in dhibaato dhanka weerarka ah ay qabsato xili cayaareedka cusub ayadoo og in Sergio Aguero uu inta badan xili cayaareed walbo xili xasaasi ah uu dhaawac soo gaaro.
Gonzalo Higuain ayay ahmiyada kowaad siin doontaa Man City sidii ay weeraryahankan kula soo saxiixan lahayd haatana waxay dalab hordhac ah u diri doontaa kooxda Napoli.
Gonzalo Higuain diyaar uma ahan inuu kooxdiisa Napoli lasii joogo madaama aysan koobka horyaalada Yurub ka qayb qaadan doonin sidoo kalena macalinkii uu kooxdan ka dugaashanaayay Rafa Benitez isagana Koonfurta Talyaaniga wuu isaga tagay.
Labadaas arin ayaa Man City u sahli doono xidigan shabaqa saaxiibka la ah inay lasoo saxiixato xagaagan weliba City awoodeeda dhaqaalo ayay u adeegsan doontaa.
The Sun ayaa ku sadaalinaayo in Man City ay dalab €60m oo hordhac ah u diri doonto kooxda Napoli inkastoo naadiga reer Talyaani xidigan madaxiisa dul dhigtay €85m.
27-jirkan tayada wanaagsan lama dhanacsano madax furashada ay kooxdiisa u heesato madaama dhawaan Napoli ay dalab €50m ah ay ka diiday kooxda Arsenal.